Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ka Shiray Xaaladda Abaaraha Baahsan Ee Jira

57

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku yeeshay kulankii 87-aad ee Golaha, waxaana Shir guddoomiyay kulankaas Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagaga hadlayo arrimo door ah oo ku saabsan xaaladda Amniga, abaarta baahsan ee xiligaan ka jirta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Somaliland iyo qodobbo kale.

Wasiirka  Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday  warbaahinta uga warramay waxyaabihii fadhiga lagaga dooday, waxana uu tilmaamay in xaaladda abaarta ee dalku ugu weynayd waxyaabihii shirka diiradda lagu saaray,

Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay ayaa waxa kamid ahaa sidii ay bulshadu uga taxaddari lahayd Been abuurka iyo jaah-wareerka ka socda baraha bulshada (Social media), waxana uu goluhu shacabka usoo jeediyey inay ka dheeraadaan wararka goobahaas lagu faafinayo ee runta iyo xaqiiqadaba ka dheer.

Ugu dambayntii waxa uu Wasiirka sheegay in Goluhu fadhigooda si qoto dheer ugaga doodeen xaaladda amni, isla markaana uu Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed  oo xog-warran  buuxa golaha siiyey uu caddeeyey in amniga guud ee dalku meel wanaagsan marayo