Dowladda Shiinaha oo si adag uga hadashay Booqashada Twain ee wefdiga Somaliland

41

Xilli ay Twain booqasho ku joogaan Wefdi heer Wasiir ah oo socda Somaliland ayaa waxaa Safarkaasi si adag uga hadlay Dowladda Shiinaha oo sheegata in Dhulkeeda ay kamid tahay Twain.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa socdaalka wefdiga Somaliland ee Twain lagu tilmaamay mid dhaawacaya madaxbannaanida dhulka Shiinaha.

“Adduunka waxa ka jira kaliya hal China, Taiwan na waa qayb China kamid ah oo aan laga jari karin, mabda’a ah hal China ayaa ah xeer la aqoonsan yahay, bulshada caalamkuna isku raacsantahay” ayuu yiri WarSaxaafadeedka uu ku saxiixnaa Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Wefdigaan ka socda Somaliland ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr Ciise Keyd waxaa ayna maanta la kulmeen Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa cambaareeya xiriirka ay leeyihiin Twain iyo Somaliland oo labada sheegta in ay Madax bannaan yihiin.