Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabelle SEIT oo qabtay tartanka kuraasta tirsigiisu yahay HOP#115 iyo Hop#070 ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee labafaasi kursi.
Gudigg ayaa ugu horeeyntii shaaciyay natiijada kursiga tirsigiisu yahay Hop-115 oo ku wada tartamayeen Musharax xildhibaan Cali Maxamed Cumar iyo Musharax Xildhibaan, M, Mulki Cabdullahi Islaaw.
Musharax Xildhibaan Mulki Cabdullahi Islaaw ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada waxaana Cali Maxamed Cumar loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 87 Ergay, waxa uuna helay 86 cod halka 1 qof uu Codkiisa u diiday.
Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#115 Cali Maxamed Cumar.
Dhinaca kale Gudigga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kursiga tirsigiisu yahay Hop-070.
Guddiga ayaa shegay in Cabdirahman Maxamed Sheekh uu ku guuleystay xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo kaa oo helay 71 cod, halka Murashaxii la tartamayay uu isna helay 14 cod.











