Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo Maanta safar ku gaaray Magaalada Beledweyne markii ugu horreeyaay tan iyo doorashadiisii ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan tabashada ay Maamulkiisa ka qabaan Reer Hiiraan & Arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay in Alle mahadiis ay tahay in si nabad ah uu ku gaaro Beledweyne, isaga oo u mahad celiyay duuqabka dhaqanka, Cdanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.
Wuxuu sheegay in Bulshada Reer Hiiraan hortooda uu ka cadeeynayo in tabasho walbo oo jirta ay xallin doonaan.
“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban waxaana muhiim ah in qofka markaasi haaya uu dadka isku haayo iska markaana fursad lasiiyo ayuu yiri” Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Ugu dambeyn wuxuu cadeeyay in uu u cadaalad fali doono Reer Hirshabeelle, sidoo kalana Beledweyne doorashada ay ka dhici doonto, isaga oo rajeeyay in bulshada iyo Ciidanka ka qeyb qaataan sugida Amniga Magaalada Beledweyne.