Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ka bilaabay diiwaangelinta musbarrixiinta ku tartami doona laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee kala ah HOP115 iyo HOP070.
Guddiga ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyey Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga HOP115 markalena u tartami doona kursigaas.
Sidoo kale Guddiga ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay Marwo Mulki Cabdullahi Islow u tartamaysay Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#115.
Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay Marwo Mulki abdullahi islow u tartamaysay Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#115.
Maanta ayaa la filayaa in Guddiga au soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta labada kursi, isla markaana Maalinta Berito oo Isniin ah Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada labada kursi.