Wararka ka imaanayo Degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheega, in dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu gelinki danbe ee shalay halkaasi ku dhaxmaray, xubno ka titsan Dagaalamaysha Al-shabab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugaa.
Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Dagaalamaysha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Diinsoor, sida ay shegeen Goobjoogeyaal la hadlay warbaahinta.
Qoraalka kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu shegay in Weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo dhowr jiro ay ka weerareen Saldhig Ciidamada Dowladda ay halkaasi ku lahaayeen, ayna ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda.
Geesta kale Maamulka Degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay Sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay dileen ilaa 10 Askari oo ciidamadda Dowladda ka tirsan.
Cabdi Salaan Xaaji Siidow Gudoomiyaha Degmada Diinsoor oo ka hadlay VOA ayaa shegay in ay ka warheleen Weerarka Al-shabaab sidoo kalana ay Ciidamada dowladda ka hor tah sameeyeen.
Gudoomiyaha ayaa shegay in Khasaaraha dhankooda gaaray uu yahay dhimashadda labo askari iyo dhaawac Labo askari sida uu shegay.