Senegal oo xilka gudoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegay dalka Congo DRC.

28

Madax waynaha dalka Senegal  Maaki Saal ayaa Xilka gudoomiyenimada wareegtada ah ee Midowga Afrika kala wareegay Madax waynaha dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo flix Shisekedi.

Madax waynaha Senegal Maaki Saal oo gudoomiyenimada wareegtada ah ee Midowga Afrika kula wareegay Shir waynaha 35aad ee Hogaamiyeyaasha Wadamada Midowga Afrika ee Maanta Xarunta midowga ee Addis ababa kabilowday, ayaa xilka hayn doona muddo Hal sano ah sida uu dhigayo xeer hoosaadka midowga Afrika.

Shir Madaxeedkan 35aad ee Hogaamiyeyaasha dalalka midowga Afrika oo Halku dhag looga dhigay, Kobcinta Awooda nidaamka cunnada qaarada Afrika ;waa dadajinta Hourmarinta cududa shaqalaaha, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Afrika” ayaa socon doona muddo 2 maal mood ah.