Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan Adis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Adis Ababa uga qeyb galaya shirkii 35-aad ee Madaxda Midowga Afrika, kaasi oo maanta furmay loogana hadlayo Xaaldaha ka soo cusboonaaday Wadamada Afrika.