Dhalinyaro Somaliyeed oo doonayay in ay ka gudbaan Xadka uu Turkiga lawaadago dalka Giriigga ayaa sida laqiijiyay geeriyootay, kadib markii ay halkaasi ka da’een Baraf lixaad leh.
Xog-hayaha jaaliyadda Soomaalida Turkiga Cabdulaahi Xuseen ayaa shegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen 19 qof balse ay ku jiraan labo qof oo Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Howlwadeenada Cafimaadka Dalka Turkiga.
Dhalinyaradda somaliyeed ee geeriyootay ayaa magacyadooda waxaa lagu soo koobay Abubakar iyo Yaxye, walina lama helin Faah-faahino intaasi dheer.
Xog-hayaha jaaliyadda Soomaalida Turkiga ayaa sidoo kale ku waray in wali la’la yahay Dad aad ufaro badan lana tihmayo in ay ku jiraan Soomaali faro badan.
Maalmihii lasoo dhafay waxaa xadka kala qeeybiyo Dalalka Giriiga iyo Turkiga ka da’dayay Baraf aad utiro Badan, waxaana dalka Giriiga lagu eedeyay in ay Dadka Dharka kala baxaan kadibna sy kusii dayaan barafka iyo qaboowga halkaasi ka jiro.