Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Nin Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada PMPF

66

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu dil u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland.

Eedeysane Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday xukunka, kaasi oo loo heysto inuu Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Marxuum Bootaan Cawl oo ka tirsanaa PMPF

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa heshay caddeeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse uu dilay Bootaan Cawl, isla markaana dalbatay in lagu rido xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumka.

Allaha u naxariistee Bootaan Cawl oo ka tirsanaa Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland ayaa waxaa 30-kii bisha September ee sanadkii hore 2021 lagu dilay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Puntland, xili habeen ah.

Xukunka lagu riday Eedeysane Maxamed Af-dheere ayaa ku beegantay, iyada oo maalmo kahor Maxkamadda Ciidamada Puntland xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi ku riday rag dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.