Maxkamad ku taala magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo horey ay u xireen ciidamada Booliska Soomaaliland.
Xeer Ilaalinta ayaa rafcaan ka qaadatay Go’aanka Maxkamadda
Dacwada Coldoon ayaa maxkamada ka socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo dhibanayaashu ay maxkamada ka hor akhriyeen eedaha ay u haystaan Coldoon, sidaa si lamid ahna Coldoon, ayaa isna dhankiisa iska difaacay eedaha losoo jeediyay.
Xariga Coldoon ayaa yimid kadib markii, ay dacwadi kaga timid, Dugsiyada Abaarso, iyo waalidiinta caruurtoodu wax ka barato oo Coldoon ku eedeeyay in uu ka been abuuray kadib, markii uu sheegay in “diinta masiixiga lagu faafiyo dugsiyada Abaarso”.
Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida , faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.