Magaalada Dhuusamareeb ayaa goordhow waxaa lagu qabtay doorashada kursigii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka ku metelaya Maamulka Galmudug.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in saakay la qabtay doorashada Kursiga HOP#139 waxaana u tartamayay, Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan, Xamdi Cali Shire.
Sdioo kale Guddiga ayaa sheegay in Xamdi Cali Share ay tanaasushay, islamarkaana si gacan taag uu ku soo baxay Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan, kaasi oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururka Ahlusuna waljamaaca.
Cabdisemad Macalin Maxamuud Xasan ayaa ku guuleystay codad tiradooda gaaraysa 101 cod.