Puntand oo jaangoysay qiimaha Gaaska Cuntada ee laga cawday

61

Kadib kulan ay yeesheen Xubno katirsan Golaha Wasiirada Puntland iyo Ganacsatada keena Gaaska Cuntada si looga jawaabo cabashada dadweynaha ee ku saabsan kor u kaca qiimaha gaaska cunto karinta ayaa dood dheer iyo falanqayn kadib isla garteen qodobadaan soo aocda.

1. Waxaa la isla qiray in saddex bilood oo u dambeeyey qiimaha gaaska haanta 20 kg
ahaa 43 USD guud ahaan deegaanada Puntland. Meelaha qaarna cabasho lagu muujiyey inuu intaas ka sareeyo.

2. Waxaa la isla qiray inay jiraan dacaayado been abuur ah oo dano gaar ah laga leeyahay isla markaana lagu sumcad dilayo ganacsiga iyo dowladnimada Puntland.

3. Waxaa qiimaha gaaska cunta karinta oo dib u eegis lagu sameyey dhanka cashuuraha
iyo dhanka faaiidada shirkadaha lagu jaangooyey sidaan soo socota:

Haanta 20 kg ah qiimaheedu waa 39 doolar
Haanta 13 kg ah qiimaheedu waa 25 doolar
Haanta 11 kg ah qiimaheedu waa 21 doolar
Haanta 6 kg ah qiimaheedu waa 11.5 doolar.

4. Guddi ka kooban Xukuumadda Puntland iyo Ganacsata gaaska cunto karinta ayaa si joogto ah ula socan doonta isbedellada qiimaha gaaska cunto karinta.

5. Waxaa la isla qaatay in shirkadii iibisa ka badan qiimaha la isla jaangooyey laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

6. Waxaa lagu wargelinayaa dadweynaha Puntland in aysan wax ka iibsan shirkadii u sheegta
wax ka badan qiimayaasha la isla jaangooyey isla markaana usoo gudbiyaan hay’adaha
dowlada oo ay qusayso.