Dhimasho & iyo Dhawac ka dhashay dagaal galay malintii labaad oo ka socda Galmudug

29

-Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed ayaa maalintii labaad ka socda degaanka Xeraale oo dhanka Galbeed ka xiga degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa lasoo tabiyay in Dagaalka maanta dhacay uu ka cususyahay kii shalay ka dhacay halkaasi, waxaana labada dhinac ee dagaalamayo ay adeegsanayaan Gaadiid Dagaal, iyadoona inta la xaqiijiyay dagaalka maanta uu sababay dhimashadda 20 Ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 30 Ruux kale.

Maleeshiyo Beeleedyadani ayaa kala hellaya Gurmadyo kala duwan taas oo dagaalka ka dhigtay mid qasaaro badan sababay.

Maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin Dagaalka, iyadoona laga baqdin qabo in dagaalku uu dhaliyo Khasaaro intaasi ka badan.