Doorashada lix Kuri ee Golaha Shacabka oo lagu qabtay Jowhar

56

Guddiga hirgelinta heer dowlad Goboleed ee Bir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle waxaa ay ku qabteen doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle.

Kursiga Koowaad ee HOP033 ayaa waxaa ku tartamay Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) & Maxamed Xuseen Sabriye, waxaana kursiga ku guuleystay Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo helay codad gaaraya 69 -cod halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Sabriye uu heley 22-cod, waxaana halaabayix Cod.

Kursiga labaad ee HOP005 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Cumar Ceeymoy oo kursigaan ku fadbiyay 8-dii Sano ee la soo dhaafay & Maxamed Cumar Cali oo goobta doorashada soo xaadirin, waxaana cod gacan taag ah 73 cod ku guuleystay Maxamed Cumar Ceeymoy oo ah Wasiirka Beeraha Hir-Shabeelle halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cumar Cali uu heley 13-cod, waxaana halaabay 7 cod.

Kursiga Saddexaad ee HOP052 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Farxiyo Maxamuud Dhaqane & Musharrax kale oo tanaasushay, waxaana cod gacan taag ah ku guuleysatay codad gaaraya 93-cod Farxiyo Maxamuud Dhaqane.

Kursiga Afaraad ee HOP088 ayaa waxaa ku guuleysatay Dahabo Suusow Maxamuud oo horay kursigaan ugu fadhisay kadib doorashadii maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Kursiga Shanaad ee HOP097 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Xidlhibaan Waaiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo 20-kii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday kursigaas, waxaana u tartamida kursiga laga reebay Musharrax Xildhibaan Baarliin Maxamuud Biin.

Kursiga lixaad ee ugu dambeeyay ee doorashadii Maanta lagu qabtay Magaalada Jowhar ee HOP098 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Maxamed Jimcaale oo horay uvu fadhiyay kursigaan.

ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#098 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Dhamaan dadkii kusoo baxay doorashadii Golaha Shacabka ee Maanta lagu qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaannadii horay ugu fadhiyay oo badankood kuraasta loo xiray, isla markaana uusan dhicin tartan adag oo loo galay doorashada.