Munaabad lagu soo bandhigayey Qiimeynta Dhismaha Buundada Kurmaan ee Baardheere oo lagu dhisayo si is xilqaan ah.

31

Munaasabada lagu soo bandhigayey Qiimeynta lagu sameeyey Dhismaha Buundada Kurmaan oo lagu dhisayo hab is xilqaan ah yaa waxaa ka qeyb galey ,qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.iyadoo Injeerada soo qiimeeyey dhismaha  Buundada ay soo bandhigeenaa Naqshada nooca Buundada ay noqoneyso ,taasoo dadkii ka qeyb galey Munaasabada ay u riyaaqeen.

Faarax Hire Guhaad oo ah  oo ah Gudoomiyaha Guddiga Horomarinta degmada Baardheere ayaa sheegay in dhowaan ay Bilaabi doonaan Buundo cabirkeedu dhan yahay 30 mitir dherer ah iyo 11 mitiir oo balac ah oo isku xirta Xaafada Kurmaan iyo Magaalada ,si ay u maraan Dadka ,Gaadiidka iyo Xoolaha u kala gooshaya labada dhinac.

Sh.Maxamed Gaboobe oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed,xubina ka ah Guddiga  ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Guddiga Horomarinta  lacag dhan 200 oo kun Dolar oo ay uruuriyeen Xilligii fatahaada Webbiga Jubba ee Baardheere ,sanadkii 2020 kii.

Sh Maxamed Aden waadi oo ah Madaxa Mu.asasada Alraxma xibina ka ah Gudiga Horomarinta Baardheere ayaa ku booriyey Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere in ay istaagan siddi ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Buundada kurmaan oo laf dhabar u ah Nolosha deegaanka.