Boqollaal qoys ayaa ka barakacay, tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka kaga yaalo degmada Balcad, ee Gobolka Shabeellada Dhexe kadib markii xooggaga Al-Shabaab ay dab qabad siiyeen labadaasi tuulo.
Mareerey ayaa qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad waaxana shalay galinkii dambe dab qabadsiiyay Al-shabaab , halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.
Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.
Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab, kadibna Cidamadii ay soo dhaweeyen Ay Dib uga abxeen Degaanadii lagu soo dhaweeyay.