Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa barkhadii maanta weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Muki-dheere oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Dagaalka oo socday saacado ayaa waxaa labada dhinac ay is-weedaarsadeen hub kala duwan, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.
Dagaalameyaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Muki-dheere ayaa la sheegay in dib uga baxeen deegaanka, waxaana la soo warinayaa in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Taliska Saldhiga weerarka lagu qaaday oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalka ka dhacay Muki-dheere, dhinaca, Al-shabaabna weli kama hadlin.
Deegaanka Muki-dheere ayaa waxaa talaadadii waxaa la wareegay ciidamada Dowladda, ka dib dagaal saacado socday oo ay la galeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo hore ugu sugnaa.