Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Yuusuf Dabageed oo maanta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne uu tagi doono madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen.
Dabageed, ayaa sheegay in haddii uusan Magaalada Beledweyne tagin Cali Guudlaawe, ay doorashada kuraasta uu u wareejin doono magaalada Jowhar.
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle ayaa si kulul ugu jawaabay hadal xalay kasoo yeeray Siyaasinta u horkacayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda federaalku,
Madaxweynahu ayaa Sheegay In Siyaasintan oo kuraas raadis ah aysan u hadali karin Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Beesha Xawaadlle,
Ciidamada Dowladda federaalku Baladweyne kasoo dajisay ayuu Madaxweyne kuxigeenka sheegay inay ka Hir-shabeelle ahaan Dalbadeen Si aay Al-Shabaab ula Dagaalmaan,
Madaxweyne kuxigeenka ayaa beeniyay in Ciidankas Loo keenay boobka Doorshada Golaha Shacabku