Xubnaha Ururka Alpha Trust ee dalka Australia oo Deeq isugu jirta Biyo iyo Raashin gaarsiiyey Baardheere.

69

Xubnaha Ururka Samafalka Soomaaliyeed ee ALPHA TRUST ee Dalka Australia ayaa deeq iskugu jirta RAASHIN & BIYO gaarsiiyay Qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool degmada Baardheere ee gobolka GEDO.

Booyadaha Biyaha ayaa waxaa ka faa’ideystay illaa 400 oo qoys oo ku kala nool Xerrooyinka Barakacayaasha ee Iftiin, Guduudeey iyo Warsan oo ay degan yahiin Boqolaal Qoys oo barakacayaal ah.

Gudiga ay leeyahiin dadka Barakacayasha ee degmada Baardheere ayaa ka mahad celiyey Gurmadka Biyo dhaaminta iyo Cunno qeybin ee Ururka Samafalka Soomaaliyee ee Alpha Trust maanta ay ka sameeyeen degmada Baardheere sida uu ku waramayo Aden Ibraahin Kalamow oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca ee Iftiin

Gudoomiyaha Ururka Alpha Trust Daahir Cali Kulmiye ayaa sheegay inay kaalintooda ka qaadanayaan u gurmadka dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka GEDO.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Ururka Alpha Trust uu dhaqaalo iyo gurmad deg-deg ah soo gaarsiiyo deegaanada Gobolka GEDO, iyadoo mas’uuliyiinta Ururka Alpha Trust ay sheegeen inay soo wadi doonaan gurmadka dadka dhibaateysan.

AXMED CUMAR SAALIXI – GEDO.