Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo edeyn usoo jediyay siyaasiyiin uu shegay in xamar laga soo abaabulay.

23

Guddomiyihii hore ee Gobolka Bari ayaa weerar afka ah ku qaaday koox siyaasiyiin ah oo uu sheegay in xamar lagasoo abaabulay,  taas oo uu ka sheegay Xaflada uu xilka ugu wareejinayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari.

Gudoomiyahii hore  gobolka bari ee dowlada Goboleedka puntland Cabdisamed yuusuf maxamed abwaan  ayaa shegay tan iyo markii uu xilka lawareegay in ay ay soo wajaheen 3 caqabad oo waaweeyn balse isaga iyo maamulkiisaba ay ka dabaasheen.

Waxa uu shegay in ay jiraan dad doonayo ama ka shaqeeynsyo in Magaalada Boosaaso ay geliyaan qori Deb leh sida uu adeegsaday.

Gudoomiyaha oo si hadlayay ayaa carabaabay dadkaasi isagoona shegay in dadkaasi yihiin masuuliyiin xilal kasoo qabtay Federaalka kuna matali jiray puntland oo xililkii wayay taas bedelkeedna shegay in ay doonayaan in Deb ka kiciyaan Gobolka bari.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeeyntii amaan kala huwiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni isagoona shegay in uu yahay shakhsi karti badan oo wax qabad muuqdo leh sida uu hadalka u dhigay