Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay qorshaha Deyn-cafinta

67

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Du’aalle Xaaf ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin sare oo ka socotay wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha Maalgashi, maadaama Dowladda Farasiiska ay qeyb ka tahay dalalka la isku yiraahdo Paris Club.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Deyn Cafinta oo hadda meel gabagaba ah maraya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay waday dadaalo ay ku dooneyso sidii looga cafin lahaa deymo badan oo lagu yeeshay ka hor burburkii iyo ka diba.