Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Guddoomiyay Kulan ay maanta isugu yimaadeen Maamulka Gobolka iyo laamaha ammaanka, kaasi oo dhacay magaalada Beledwayne.
Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Amniga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Beledwayne oo lagu wado in ay ka qabsoonto Doorashada Golaha Shacabka.
Saraakiisha Ammaanka ayaa ka warbixiyay howlgallo ay billaaneen si loo xaqiijiyo amniga magaalada looga hortago weeraro ka yimaada Al-shabaab.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Liibaan Cabdi Cumar oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku afgartay sidii loo xoojin lahaa amniga Beledwayne, saraakiisha ammaankana ay billaabeen howlgallo.
Beledwayne waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada 25 kursi oo kamid noqon doona Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.