Gudoomiyihii hore ee Aqalka sare oo hadlay go’aanka ka soo baxay Golaha wasiirada.

42

Guddoomiyaha aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa bogaadiyay go’aankii Golaha Xukuumadda Rooble ee ay shalay sharci darro ku tilmaameen in Ururka ONLF uu yahay urur argagixiso ah iyo dhiibistii Cabdi kariin Muuse Qalbi-dhagax.

“Qalbi Dhagax in la dhiibo oo dal shisheeye loo dhiibo waxa ay aheed dambi ay geystay Dowladdii uu madaxda u ahaa Farmaajo Go’aanka Xukuumada waan soo dhaweynayaa.” ayuu yiri Cabdi xaashi Cabdullaahi

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ka laabatay go’aankii ay 2017 kii ururka ONLF ee Soomaalida Deegaanka ugu aqoonsatay urur agagixiso iyo dhiibistii Sarkaal sare Cabdikariim Qalbi-dhagax.