Dilal ka dhacay Magaalada Marka & xiisad ka taagan

38

Dilalka oo salka mu haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil ayaa ka dhacay Magaalada Maeka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay taagnaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa degmada Marka ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsugida, kaas oo lagu Kagacaabi jiray Mukhtaar Xaankeey.

Xaalada Magaalada Marka ayaa Caawa laga dareemayaa xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo dhowr jeer dad iska dilay.

Guddoomiye ku xigeenka Qorshaynta iyo dib u Dhiska Degmada Marka Saalim Xassan Buralle (Warfaa) ayaa bartiisa facebook ku daabacay.

” AUN waxaan ka tacsiyaynayaa geerida murugada leh ee ku timid Marxuun Mukhtaar Xaankeey
Dhamaan Ehelka Qaraabada iyo Asxaabta intaba samir iyo iimaan Rabbi SW haka siiyo. Runtii waa wax laga xumaado falka maanta ka dhacay Magaalada Marka waxayna gaf iyo ayaan daro ku tahay Nidaamka Dowladnnimada ku dhisan.

labada Jufood walaalaha ah ee ku dhaqan magaalada marka waxaan ugu baaqaynaa Nabadda. Nabadda sideedaba qofna uma darana balse qof kasto ayaa u baahan.