Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.
Puntland ayaa shalay waxaa ay dooratay Shantii kirsi ee ugu horreeysay ee ku matalaya Golaha Shacabka.