Ciidamada Itoobiya oo qorsheynaya inay galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle

86

Milateriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna “ka takhalusaan” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.

Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

Waxa uu sheegay inay isku diyaariyeen sidii ay ‘gebi ahaan’ meesha ugu saari lahaayen cududda militari ee TPLF, isagoo intaas raaciyay inaysan la gorgortami doonin.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintaan inaysan u suurta gelin in uu wax faah faahin ah ka bixiyo hadalka sarkaalka ciidanka Itoobiya.