Guddoomiyihii hore ee G/Hiiraan oo lagu dilay Muqdisho

22

Kooxo hubeysan ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macoow.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in rag Bastoolada ku hubeysan ay rasaas ku fureen Marxuum, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsadatay, waxaan gaaray halkaasi Ciidamada ammaanka, kuwaasi oo sameeyay baaritaano.

Cabdiraxmaan Macow ayaa dhawaan Muqdisho kaga dhawaqay in uu yahay Musharax u taagan Kursiga tirsigiisi yahay  HOP-85 ee Goalaha Sacabka oo deegaan Doorashadiisu tahay Hirshabeelle.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka caawa loo geystay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin aya tacsiyeeya geerida Cabdiraxmaan Macow.