Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo ka hadlay tillaabooyin ay ka qaadeen Cabashada Doorashada

26

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa ka hadlay tillaabooyin ay qaadeen, taasi oo lagu saxayo Cabashada laga qabo Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota Gobolada dalka.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayay ku sheegeen in ay xarruun kasta oo Doorasho ay geeyeen saddex xubnood oo ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, si looga fogaado musuq maasuqa.

Guddigu waxaa ay sheegeen in ay billaabeen dhaqan gelinta heshiiskii ay gaareen Madaxda Golaha Wadatashiga ee guddiga ugu baaqayay in ay ka shaqeeyaan hubinta Odoyaasha soo xuleysa Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hoos ka akhriso Warsadaafadeedka.