Laamaha amaanka ismaamulka Kwale ee dalka Kenya ayaa heegan ku jira si ay uga hortagaan weeraro ay sheegen inuu kga soo wajahan yahay dhinaca Al shabab.
Isku duwaha gobolka xeebta John Ellungata ayaa sheegay in laba unug oo ka tirsan Al shabaab ay ogyihiin inay dhaq dhaqaaqyo kwadaan kowntiga kwale.
Wuxuu intaas ku daray in kiisaska amni darro ee ka dhacay Kwale iyo Lamu ay xiriir la leeyihiin kooxda Al shabaabna ay damacsan tahay inay weeraradoodi kordhiyaan xiliga dorashada Dalkaasi Kenya.
“Dhammaan canaasiirta xagjirka ah waa dadka deegaanka. Lamu, weeraradii u dambeeyay waxaa fuliyay dhalinyaro deegaanka ah,” Elungata ayaa ka yiri Kwale.
Isku duwaha ma uusan shaacin magacyada unugyada uu sheegay iyo meelaha ay ka howlgalaan,wuxuuna intaa ku daray in kooxaha ay weerarada qaadi karaan xiliga doorashada sidii hore oo kale ee uga dhacay dalka Kenya.
Al-shabaab ayaa maalmihii dambey waxaa ay weeraro ka geysanayaan deegaano ka tirsan gobolada Waqooyi bari ee dalka Kenya.