Itoobiya oo ka hadashay xiriirka Soomaaliya, ka dib booqashadii Muuse Biixi

64

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Ma jirto wax isbadal ah oo ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya”.

Arrintaan ayaana ku soo aadaysa xilli dhowaan uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku tagey Caasimada Itoobiyo ee Adis ababa, kulan uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Aby Axmed.