Ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabelle ayaa maanta hawada ka saaray Idaacad maxali ah oo ku taala magaalada Beledweyne gobolka Hiiraan, taasi oo lagu magacaabo Hiiraan Weyn.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadda ay dhamaan xireen wariyaashii xiligaas ku sugnaa idaacadaasi, kuwaas oo Gaari Xabdi Bille ah ay ku qaadeen, waxaana haatan ay ku xiran yihiin Saldhiga magaalada Beledweyne.
Sababta hawada looga saaray Idaacadaasi, islamarkaana weriyaasha loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay, kadib markii idaacadaas maanta ay baahisay, war uu dhibsaday maamulka Hir-Shabelle, kaas oo ahaa saraakiil ciidan iyo Odayaal dhaqameed kasoo horjeeda Maamulka oo shir ku qabtay magaalada Beledweyne.
Weriyaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ah
1-Yaasiin Ali Axmed
2-Abdullaahi Ali Abukar
3-Maxamed Ibraahin Axmed
4-Maxamed Cismaan Maxamuud