Maamulka Baardheere iyo Ururada Samafalka oo qeylo dhaan xooggan kasoo saaray abaaraha ka jira deegaanka.

62

Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa qeylo dhaan abaareed oo xooggan soo saaray, ka dib shir maanta ka dhacay Xarunta Degmada oo ay ka qeyb galeen howl wadeeno ka tirsan Ururada Samafalka Wadaniga ee fadhigeedu uu yahay Baardheere .

Gudoomiuaha degmada Baardheere Maxamed Weli Yusuf Qorax ayaa sheegay Seddexdii bilood ee u dambeeyey dad gaaraya ilaa 10 kun oo ruux oo badan kooda ku xoolo beelay Abaarta iyo Beeraley wax soosaar xumo ay ku dhacdey in ay haatan ku sugan yihiin degmada,kuwaasi oo ku biirey ilaa 30 xero barakacayaal oo ku yaala duleedka Baardheere.

Qoysaskaasi faraha badan ayuu sheegay in ay ka soo kala barakaceen deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe,mana haystaan ayuu yiri, wax nolol ah sida,Cunno ,Hoy iyo Biyo,waxaana uu codsadey in gargaar deg deg ah lala soo gaaro.

Asad Maxamed Cali(Barbareey) oo ka mid ah Howlwadeenada Ururka Samafalka SADO ayaa sheegay inay ku howlan yahiin Hay,adaha Maxaliga ah gurmad deg deg ah, ayagoo la kaashanaya Hay,adaha Caalamiga siddii dadkaan Barakacayaasha ah ,maadama Noloshoodu ay haatan taagan tahay meel halis ah.

Waxuuna tilmaamay Ururada deegaanka ka howl gala in ay haatan ku howlan yahiin siddii Barakacayaasha faraha badan looga taageeri lahaa waxyaabaha aas aasiga u ah Nolosha,Sida Cunnada,Hoyga,Musqulaha iyo sidii ay u heli lahaayeen Biyo Nadiif ah.