Dhalinyaro is xilqaantey oo Baardheere ka bilaabay Olole wax looga qabanayo Nadaafad dari ka jirta deegaanka.

62

Maalmahii la soo dhaafey dadka ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ka cabanayey Nadaafad dari baahsan oo ka taagan deegaanka,taasi oo sababtey Biyahii Webbiga Jubba ee ay ku tiirsanayeen Nolosha dadka iyo duunyada inay is bedelaan midabkooda iyo dhadhankooda,iyadoo ay jirto cabsi laga qabo cuduro.

Xilligan ayaa deegaanka waxaa ka jira Jilaal, Abaaro yo kuleyle,islamarkaana uu biyo yareeyey Webiga ayaa degmadana waxay hoy u noqotey kumanaan Qoys oo barakacayaal ah,taasina waxay keentay isku ururka goobaha bulshada webiga ,hareerahiisa ,Goobaha waxbarashada iyo wadooyinkana in lagu buuxiyey Qashin iyo wasaq aad u tiro badan.

Cabdulaahi Baajacoor oo ah Madaxa Deegaan dhowr Sanitation Company ayaa sheegay in muddo kooban ay wax ka qaban doonaan guud ahaan Nadaafada Deegaanka,waxaa la arkayey ilaa 50 ruux oo isugu jira rag iyo dumar oo ka shaqeynaya Nadaafada iyo Gaadiidka oo lagu rarayo Qashin aad u tiro badan.

Qaar ka mid ah Waxgaradka deegaanka ayaa ka digey sii socoshada nadaafad darida ka jirta deegaanka inay ka dhalan karaan Cuduro saameyn ku yeesha nolosha dadka iyo deegaanka.

Ugu dambeen Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa soo dhaweeyey talaabada ay qaadeen dhalinyarada Deegaan dhowr Sanitation Company ee ay wax kaga qabanayaan Nadaafada deegaanka,waxuuna digniin u jeediyey dadka Qashinka iyo Wasaqda ku shubay webiga iyo goobaha danta guud in ay wax ka qaban doonaan.