Wasiir katirsan Xukuumadda Rooble oo cabasho ka muujiyay doorashada kursiga HOP166

55

Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay waxa uu ku sheegay inuu cadeynayo in si baal marsan habraacyada doorashada loo maamulay kursiga sumasiisu yahay #Hop166.

Wasiirka ayaa isla qoraalkaas ku sheegay in xubnaha xulaya Ergada iyo ergada ay soo xuleenba aysan ahayn kuwo haysta matelaad bulsho oo aan nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin.

Kursigaan oo sida doorashadiisa loo maanulayo uu cabashada ka keenay Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa hadda ku fadhiya Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xersi Warfaa, waxaana degaan doorashadiisu ay tahay Maamulka Puntland.

Doorashooyinkii Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee horay uga qabsoomay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kajirtay cabasho xoogan, taas oo keentay inay shir yeeshaan Golaha wadataahiga Qaran, balse weli cabashadii ay taagan tahay.