Kulan looga hadlay Abaaraha oo ka dhacay Baydhabo

52

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Gurmadka Abaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Abaaraha ka taagan maamulkaasi.

Guddiga oo ka kooban Wasiiro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Koofur Galbeed ayaa lagu go’aamiyay in deg deg gargaar loo gaarsiiyo deegaanada abaarta ka taagan tahay.
Qoddobadaan ayaana laga soo saaray kulanka.

  1. In si degdeg ah loo gaarsiiyo cuntada daruuriga ah ee loo diyaariyey degmooyinka Qansaxdheere, Diinsoor, Xuddur iyo Waajid. Iyadoo degmo kasta la geeynaayo 6,600KG oo cunto daruuri ah.
  2. Waxaa la isla gartay in xaaladaha nolosha bulshada ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo abaaruhu saameeyeen aay sii adkaaneeyso gaar ahaan dhinaca biyaha iyo cuntada. Iyadoo qeyladhaan cusub ay ka imaaneeyso Gobolka Shabeellaha Hoose dhinaca biyo yaraanta.
  3. In la dargeliyo iskuxirka Dowladda, Hayadaha Samafalka, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si howsha gurmad looga miradhaliyo.