Galmudug oo Shir looga hadlayo Amniga ka furtay Cabudwaaq.

57

-Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa guddoomiyey shirka looga hadlayay Amniga kaa oo lagu qabtay Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shirkan looga hadlayo Amniga Waxaa kasoo qeeyb galay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala degmadda Cabudwaaq.

Ujeedka Shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay dardargelinta arrimaha amniga, iyo furista waddooyinka, si loo soo celiyo bilicda, loona xoojiyo amniga & kala danbaynta.

Shirkaan ay maanta yeesheen Madaxweeyne ku xigeenka Galmudug Iyo Saraakisha Ciidamadda ayaa kusoo aadayo xili Degaano ka mid ah Galmudug ay kacanta ku hayaan Dagaalmayaasha Al-shabaab,iyagoona weeraro Qorsheeysan ka fuliyo Degaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda.