Qarax xooggan ayaa waxaa uu caawa ka dhacay agagaarka xaafada Tabakaaya Madow ee Degmada Dharkeenkey ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaaMARKABLEY u sheegay
in gaari ku xernaa qarax uu halkaasi ka dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax lagu dhajiyey gaari ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.
Waa qaraxii labaad oo ka dhacaya magaalada Muqdisho
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.