Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaarke ayaa siyaasiyiinta maamulka Puntland ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka noqdaan xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Ciidanka PSF.
Cumar Cabdirshiid oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Twitterka ayaa sheegay in Isimada looga dambeeyo xalka xiisadda ka tagan Boosaaso.
“Wafdigii Isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena marjaca Siyasadeed inuu dhex dhexaad ku ekaado ayey ahayd si berri xalka ay usoo dhaweeyan”. Ayuu yiri Cumar Cabdirishiid.
Hadalka Cumar Cabdirishiid ayaa ku soo aadaya xilli aan weli xal laga gaarin xiisadda maamulka Puntland iyo Saraakiisha PSF, iyadoo siyaasiyiinta iyo isimada maamulka ay isku khilaafeen xal u heliyada khilaafka.