Xafiiska Hanti-dhowrka oo amar dul dhigay Wasaaradda Ganacsiga

23

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa Wasaaradda Ganacsiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ku amray in ay joojiso howlaha bixinta Qandaraaska iyo hubinta tayada baddeecada soo galeysa ama ka baxaysa dalka.

WarSaxaadeed ka soo baxay Xafiiska ayaa wasaaradda lagu eedeeyay in ay baalmartay shuruucda bixinta Qandaraaska Hubinta tayada Badeecada soo galeyso kana baxeyso dalka, isaga oo baab’iyay dhammaan heshiisyadii ay hore u gashay ee wasaaradda ee hubinta Baddeecada.

Hay’addihii waday howlahaan ayuu xafiisku u wakiishay in ay sii wadaan shaqada, isaga oo dowladda ugu baaqay in ay si deg deg ah u soo dhisto guddiga Iibka Qaranka.

Wasaaradda Ganacsiga ayaan weli ka hadlin amarkaan maanta ka soo baxay Xafiiska Hanti-dhowrka Qaran.

Hoos ka akhriso