Qaramada Midoobay oo ka hadashay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

58

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay degmada Waaberi magaalada Muqdisho.

WarSaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ayaa lagu beeniyay wararka sheegayay in Shaqaale iyo Qandaraasleyaal ka tirsan Qaramada Midoobay lala beegsaday weerarka oo mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab.

“Waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Weerarka ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay dad tiradooda kor u dhaafeyso ilaa 10 ruux, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.