Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa Xabsiyada Dalka Liibiya oo dalka dib loogu soo celiyay.

62

Waaxaa saakay Garoonka Aadan Cade kasoo tegay Diyaarad siday tiro ku dhow 100 ruux oo tahriibayaal Soomaali ah kuwaa dib looga soo celiyay dalka liibiya,  halkaas oo ay dhibaato kala duwan ay ku mareen.

Dhalinyarada maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa diyaarad gaar ah looga soo qaaday dalka libiy,a kuwaa oo sida la shegeegay qaar kamid ah xanuunsan yihiin, kaddib markii ay mareen sida la sheegay ciqaabo kala duwan oo isugu jiro xarig iyo dil.

Dhalinyaradaan saaka garoonka laga soo dejiyay ayaa la sheegay in ay aadayaan gobolada dalka, maadaama halkaa ay ka baxeen marka hore, Dalka liibiyana ay u gaareen sidii ay yurub ugu sii gudbi lahaayeen.

Dhalinyarada laga soo dejiyay garoonka ayaa waxaa kamid ahaa shan (5) sida ay shegeen masuuliyiinta garoonka.

Wasiirka arrimaha debedda, wasiiru-dowlaha amniga iyo xubno kamid ah dowladda ayaa soo dhoweeyey dhalinyarada.