Al Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

53

Muqdiaho-KNN-Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Al-Andalus.

Qoraalka laga baahiyay Baraha internetka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxa ay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxa ay sidoo kale shegeen in qaraxaasi ay ku burburiueen mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen, kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay.

Dhanka kale Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kadib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayay waddada 21 October ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad goobjoog ah. Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara iyadoo wali uu socdo gurmadka loo samaynayo dadka waxyeeladu soo gaartay.

Gawaari badan oo ay ku jiraan kolonyadii la beegsaday ayaa burburay.

Gaadiidka gurmadka degdeg ah ayaa goobta qaraxu ka dhacay ka qaadaya maydadka iyo dhaawaca goobta yaala.

Illaa hadda ma cadda cidda sida dhabta ah loo beegsaday ee la socotay kolonyada la beegsaday, balse qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay dad caddaana oo goobta laga qaadayo.