Shir looga hadlayay Amniga & abaaraha oo ka dhacay Buurdhuubo

63

Kulan Ay Iskugu Yimideen Sarakiisha Ururka 48aad Gt 10Aad Iyo Maamulka Degmada Buurdhuubo Ayaa Ka Dhacay Taliska Ururka 48aad ku leey Buurdhuubo.

Taliyaha Ururka Cabdiraxmaan Ibraahim Muxumed Gudomiyaha Degmada Cali Shariif Cabdulahi Iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdullahi Cali Taliyaha Amniga Degmada Buurdhuubo

Nuur Kediye Ibrahim Iyo Taliyaha Saadka Guutada 10Aad Jaamac Cabdi Aadan Iyo Sarakiil Kale Ayaa Qeyb Ka Ahaa Kulankaan Is Xog Wareysiga ahaa.

Shirkaan Ayaa Laiskaga Xog Wareystay Xaaladaha Amni Ee Degmada Buurdhuubo Iyo Nawaaxigeeda Iyo Sidii Loogu Gurman Lahaa Dadka Kusoo Xoola Beelay Abaaraha Ka Jira Gobolka Gedo Kuna Dayacaan Duleedka Degmada Buurdhuubo.