Mas’uuliyinta Wasaarada waxbarashada Dowlad Goboleedka KGS ayaa maanta Qalab Xafiisyadeed Isugu jira Kuraasta Iskuulada, Computer Printing, Miisas, Buugag iyo Agabyo kalo oo Fara badan ay kala Wareegeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom ee Sector -3.
Munaasabad kooban oo lagu Qabtey Gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidmada Amisom Sector -3 general Zeydu Saraakiil Ka tirsan Amison, Qaar kamid ah Ardeyd ka kala Timid Iskuulada Magaalada Baydhabo.
Gudoonka Waxbarshada Degmada Yusuf Maxmed Idris, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbrashada Fadal Abdullahi , Wasiir ku xigeenka Wasaarada Eng Abdifatax Samaale iyo Wasirrka Wasaarada Waxbarshada KG Xil.Maxamed Yusuf Hassan waliid.
Qalabkan oo wax badan ka taridoona Baahiyaha Iskuulada Degmada Baydhabo ayaa Gacan weyn ka Geystay Ciidamada Amisom Sector-3 oo Fadhigooda uu Yahay Magaalada Baydhabo.