Soomaaliya iyo Norway oo kawada hadlay xirirka labada Dal.

20

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa  Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya,  Heidi Elburgi Johansen, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya Labada Dal.

Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka, isaga oo Wasiir Cabdisaciid uga mahad celiyey Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya.

Dhankaadda Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya,  Heidi Elburgi Johansen ayaa uga mahad celisay Wasiirka qabilaada uu qabiilay iyadona sheegtay in ay Dowladda Norway ka go’an tahay taageerada ay sisoo  Soomaliya.

Dowladda Norway ayaa kamid ah Dowladdaha tageero Soomaliya iyadoo ku bixiso dhaqaalo sidii ay Soomaaliya u heli laheeyd xasilooni waarta.