Maxaa looga hadlay kulankii taliyeyaasha Ciidamada?

35

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jansraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen dhammaan Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, kana dhacay Xarunta Taliska difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka ayaa waxaa xogaha la helay ay sheegayaan in looga hadlay Saddex qodob oo ku saabsan dhinaca Amniga, kuwaas oo kala ah.

1:I n Ciidamada aysan Siyaasadda qeybka noqon, laguna koobnaado xaqiijinta Amniga dalka oo kaliya.

2: Adkeynta Amniga dalka iyo la dagaalanka Cadowga, xiligan kala guurka ah.

3: Wadaagida xogaha Amniga si dhaqso leh, si looga hortago kuwa kasoo horjeeda Amniga, & Argagixisada.

Kulanka looga hadlayay Amniga oo ay yeesheen dhamaan taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga.