Faah-faahinta dagaalka dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidanka Galmudug

22

Dagaalameyaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadakibir oo qiyaastii 60- Kilometir u jira magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaanka Cadakibir.

Ciidamo kala duwan oo gurmad ah ayaa gaaray deegaanka Cadakibir, iyada oo la sheegayo in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay dib uga baxeen halkaasi.

Waxaa la soo warinayaa khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug iyo weliba dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku aadan faah-faahinta dagaalka ka dhacay Cadakibir.

Jimcihii ayay aheyd markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Baxdo, waxaana ay dagaal khasaare dhaliyay la galeen dadka deegaanka.