Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo abaabul ka dhan ah Rooble

45

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka degay in lagu dhiirado sumcad dilka Ra’iisul Wasaaraha.

Al- Cadaalla ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid walba oo ku kacdo.

” Sarkaal walba oo isku daya in uu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda ee dalka iskuna daya in uu xafiis gaar ah ugu adeego awooddiisa sarkaalnimo waxaa lagu qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Rooble.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in tilaabadii shaqada looga eryay xubnihii la nidka ahaa guddiga xallinta khilaafka ay ahayd mid lagu toosinaayay doorashada.

“Raiisul wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, waxaana haynaa caddaymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambayn wasiir Cadaala ayaa sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka qusayn arinta guddiga doorashada heer federal  ay xilka uga qaadeen gudoomiye Cirro.asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay isku maamulaan.