Golaha Wadashiga Qaran oo la filayo in ay go’aan ka gaaraan Jadwalka Doorashada

30

Waxaa horaanta toddoobaadka soo socda la filayaa in ay kulan gaar ah magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan Golaha Wadatisha Qaran oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiya Gobolka Banaadir.

Kulanka oo dhacaya 27 bishaan oo ku began maalinta Isniinta ayaa la filayaa in  looga hadlo arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan boobka la sheegay in lagu sameeyay natiijada qaar ee kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wadashiga ayaa lagu wadaa in go’aan ka gaaraan Jadwalka Doorashada ee dhowr jeer dib u dhaca iyo isabadalka ku yimid.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay ugu qeyb galaan shirka uu iclaamiyay Ra’iisul wasaare Rooble.